15ka May oo si weyn looga Xusay Somalia.

Moos Bukeeni May 15, 2017 Comments Off on 15ka May oo si weyn looga Xusay Somalia.
15ka May oo si weyn looga Xusay Somalia.




Sanad Guuradii 74aad ee ka soo wareegatay Markii dhidibadda loo tagaay Ururkii dhalinyaradda Gobanima Doonka Somaliyeed ee SYL.

Munaasabado badan oo lagu weynayay Maalinta 15ka May Xuska dhalinyaradda Somaliyeed Waxaa lagu qabtay Meelo kale duwan oo ka Mid ah Magaalooyinka Dalka Somalia,

Magaaladda Muqdisho ee Xarunta Dalka Somalia waxaa Xaflad halkaasi lagu qabtay ka qeybgalay Madaxda Dowladda Somalia iyo qaar ka Mid ah dhalinyaradda ku dhaqan Magaaladda Muqdisho.

Madaxda Dowladda Somalia ayaa guud ahaan dhalinyaradda ka qeybgaleysay Dabaal daga Maalinta 15ka May waxay kula dar daarmay in ka shaqeeyaan sidii Nabad loogu soo dabaali lahaa Dalka Somalia.

SIdoo kale Madaxda Dowladda Somalia ayaa Baraarujin iyo dib u xasuusin 13kii dhalinyarada Somaliyeed u jeediyay xubnaha kale duwan ee ka qeybgashay xafladdaasi.

Magaaladda Garowe ayaa sidoo kale ka mid ah meelaha lagu qabtay Xafladda 15ka Bisha May ee lagu xusayay Maalinta dhalinyarada Somaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha Somalia Cabdixakiin Cumar Camey iyo qaar ka Mid ah xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda ayaa xafladan ka qeybgashay.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.