Amison oo Dadka Shacab ah ku Dishay Magaalada Muqdisho.

Moos Bukeeni May 10, 2017 Comments Off on Amison oo Dadka Shacab ah ku Dishay Magaalada Muqdisho.
Amison oo Dadka Shacab ah ku Dishay Magaalada Muqdisho.


Ciidamadda Midowga Africa ee Amison ayaa lagu soo Waramayaa in ay Madaafiic ku gaaraaceen Degaanka Arbacow oo u dhow Degaanka Ceelasha Biyaha ee Dulledka Magaaladda Muqdisho.

Ujeedka ay Dadkaasi u dhinteen ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay ka dib markii ay Ciidamadda Amison Weerar dhinaca Madaafiicda ah ay ku Garaceen Degaankaasi Arbacow oo ay Dad shacab ah dagan yihiin.

Dadka Degaanka Arbacow ee Dulleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka AMison ay Madaafiicda Tuureen ka dib markii Ciidamo ka tirsan Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab ay Weerar ku qaadeen Xarun ay degaankaasi ku leyihiin CIidamada Amison.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda ay qal qal ku abuurtay dadka deegaanka, waxaana jira dhaawacyo ka dhashay oo loo soo qaaday isbitaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa inta badan weerar ku qaada saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolada dalka.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.