(Dhageyso)-Puntland oo Dacwad ku soo oogtay 18 dhalinyaro ah.

Moos Bukeeni May 16, 2017 Comments Off on (Dhageyso)-Puntland oo Dacwad ku soo oogtay 18 dhalinyaro ah.
(Dhageyso)-Puntland oo Dacwad ku soo oogtay 18 dhalinyaro ah.


Xarunta Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobalka Nugaal waxaa Maanta si rasmi ah uga bilaabantay dhageysiga Eedeynta Dacwad loo heysto 18 dhalinyaro u dhashay Puntland.

Dhalinyaradan ayaa lagu eedeeyay in ay isku dayayeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Markab siday Shidaal oo marayay xeebta Degmada Caluula ee Gobalka Bari.

Eedeyntan oo ay soo gudbisay Xeer ilaalinta Puntland ayaa waxaa dhageysigeeda ka qeybgalay Xubnaha Maxkamadda Darajadada Koowaad ee Gobalka Nugaal.

Kiiska oo dhacay Degmada Caluula ee Gobalka Bari hadana Maxkmadda Sare ee Puntland ayaa soo gudbisay in Dhegsiga Dhalinyarada ku eedeysan Falka Burcad badeednimada lagu qaado Xarunta Maxkamadda Garowe.

Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa la hadlay qeybaha warbaahinta waxaana uu ka waramaya qaabka uu ku yimid kiskaasi.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.