Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo la Kulmay Saraakiisha Ciidamadda Amison.

Moos Bukeeni May 13, 2017 Comments Off on Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo la Kulmay Saraakiisha Ciidamadda Amison.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo la Kulmay Saraakiisha Ciidamadda Amison.




Gudomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Axmed ayaa Maanta Magaaladda Muqdisho kulan deg deg ah kula qaatay Xubnaha ugu sar sareeya Saraakiisha Ciidamadda Amison.

Kulankan ayaaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Saraakiisha ciidamadda Dowladda Somalia kuwaasi oo Gudoomiyaha Gobalka Siiyay Warbixin kooban oo ku saabsan Xaaladda Amniga Magaaladda Muqdisho.

Muhiimadda Ugu weyn ee kulankan diiradda loogu saarayay waxay ahayd in la cadeeyo doorka ay ciidamadda Amison ku leeyihiin Amniga Magaaladda Muqdisho.

Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Cirfiid iyo Taliyaha Guud ee AMISOM Gen. Subagle ayaa shirka ka soo jeediyay talooyin ku aadan xaga amniga iyo sida la isaga kaashan karo dardar gelinta dhinaca ammaanka.

Waxaa la isla gartay in la fuliyo go’aanadii amniga ah ee ay soo saareen Golaha Wasiirada, kaasoo door hoggaamineed lagu siiyay Gobolka Banaadir, iyadoo la dhisayo ciidamo wadajir ah oo ka qeyb qaata howl galada amniga oo isugu jira Boolis, Milateri iyo Nabadsugid iyo AMISOM, kuwaasoo loogu magac daray JOCC.

Golaha Amniga ee uu guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa lahaan doona doorka hoggaamineed ee Ciidamada wadajirka.

Hey’addaha Ammaanka ayaa bilaabi doona howl gallo lagu sugayo ammaanka, iyadoo qorshuhu yahay in la xoojiyo amniga Caasimadda, iyadoo ay soo fool leedahay bisha barakeysan ee Ramadaan oo Al-Shabaab looga bartay inay weerarada kordhiyaan.

 

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.