Hogaamiyayaasha Xisbiga Horusocod oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Moos Bukeeni May 18, 2017 Comments Off on Hogaamiyayaasha Xisbiga Horusocod oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Hogaamiyayaasha Xisbiga Horusocod oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho.


Kooxda Xibsiga Horusocod ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Muqdisho iyagoo ka hadlay hadalka ay leeyihiin iyo sababaha Ururkaasi loo aas aasay.

Xubnaha shirkan ka dhex muuqanayay ayaa waxaa ka mid ah Cabdirashid Maxamed Xidig oo ah Gudoomiyaha Ururkaasi iyo Xildhibaano ka Mid ah Dowladda SOmalia oo Ururka ka Mid ah.

Muhiimadda ugu weyn oo ay shirkaasi u qabteen ayaa waxaa lagu sheegay in ahayd sidii ay usoo bandhigi lahaayeen ujeedka Ururka Hurosocod loo aas aasay.

Gudoomiyaha Ururkaasi Cabdirashid Maxamed Xidig ayaa Madasha shirka ee Muqdisho ka sheegay in aysan Mucaarad ahayn oo aysan ku Kacsaneyn XUkuumada Somalia balse ay yihin Urur Madax banaan.

“Anaga qolo mucaarad ma nihin, dowladda ma mucaaradsani, kamana keeneyno mooshin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaa isu baheysanay waa in dalka la hormariyo, horayna loo socdo”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Madasha Horusocod oo maalmo ka hor looga dhawaaqay Nairobi ayaa lagu wadaa inay noqdaan cudud siyaasadeed oo aqlabiyad ku lahaata Baarlamaanka, waxaana hadii si rasmi ah loo hirgeliyo ay noqonayaan Xisbigii u horeeyay ee Baarlamaanka ka dhex sameysma, kuwaasoo yeelan doona saameyn siyaasadeed.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.