Kenya oo Duqeysay Saldhig Maliteri ay lahaayeen Kooxda Alshabaab.

Moos Bukeeni May 13, 2017 Comments Off on Kenya oo Duqeysay Saldhig Maliteri ay lahaayeen Kooxda Alshabaab.
Kenya oo Duqeysay Saldhig Maliteri ay lahaayeen Kooxda Alshabaab.


Diyaradaha Dagaalka Meliteriga Dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay Duqeyn ka geysteen Degaano ka Mid ah Gobalka Gedo ee Koonfurta Dalka SOmalia.

Duqeyntan ayaa si gaar ah CIidanka Kenya waxay Diyaaradoodu ay u bartilmaameydsatay Degaan lagu Magacaabo Kabis oo hoos yimaado Degmada Baardheere ee Gobalka Gado.

Degaankan ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa Xarunta ama Saldhiga ugu weyn oo ay Maleeshiyadda Kooxda Al-shabaab ay ku leeyihin Degaankaasi.

Saraakiil ka tirsan miletariga Soomaaliya oo ku sugan Gobalka Gado ayaa Xaqiijiyay in ay la duqeeyay Saldhig ay daganaayeen Dagaalamayaal iyo Saraakiil ka tirsan Al-shabaab waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Saldhigga la duqeeyay ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab dadka ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah C/llaahi Saney oo ka tirsanaa Saraakiisha Al-Shabaab.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.