Madaxweynaha Somalia oo booqasho ku Maraya Degaano ka Mid ah Sh/Hoose.

Moos Bukeeni May 8, 2017 Comments Off on Madaxweynaha Somalia oo booqasho ku Maraya Degaano ka Mid ah Sh/Hoose.
Madaxweynaha Somalia oo booqasho ku Maraya Degaano ka Mid ah Sh/Hoose.


Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta Safar socdaal ah ku marayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Dalka waxaa socodkiisa ku wehlinaya Xubno ka mid Golaha Wasiiradda iyo xidlhibaanada Baarlamaanka Somalia kuwaasi oo qeyb ka ah Safarka uu Madaxweynaha halkaasi ku marayo.

Sidoo kale Saraakiil ka Mid ah Ciidamada AMniga Somalia iyo kuwa Midowga Africa ayaa Madaxweynaha ku wehlinayo socdaalkiisa iyadoo la filayo in dadka deegaanka uu xaaladooda kala soo hadlo.

Amniga Degaanada uu socdaalka ku soo Marayo Madaxweynaha Dowladda Somalia ayaa si aad ah loo adkeeyay iyadoo inta badan Madaxweynaha socdaalkiisa uu salka ku hayo xaalada Nololeed ee Dadka ku dhaqan Degaankaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tagi doona Jiidahah hore ee Dagaalka ciidamada Dowlada Somalia ee ay ku leeyihiin Degaanada Gobalka Sh/Hoose .

Meelaha uu Madaxweynaha booqan doono ayaa waxaa ka mid ah Laanta Buure,iyo Balidooglee Gobalka Sh/hoose,booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee Madaxweynaha Somalia ku tago deegaanadaasi tan iyo markii dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.