Madaxweyne Farmaajo oo ku biiray Xafladda Caleema Saarka Madaxweyne Xaaf.

Moos Bukeeni May 29, 2017 Comments Off on Madaxweyne Farmaajo oo ku biiray Xafladda Caleema Saarka Madaxweyne Xaaf.
Madaxweyne Farmaajo oo ku biiray Xafladda Caleema Saarka Madaxweyne Xaaf.

Magaaladda Cadaado ee Xarunta Kumeel gaarka Maamulka Gal-Mudug waxaa goordhow ka degtay Diyaarad Sida Madaxweynaha DOwladda Somalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo,

Madaxweynaha oo Diyaaradda Sida ka soo Kacday Garoonka DIyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho waxana la socda Qaar ka Mid ah xubnaha Golaha Xukuumadda Somalia.

Madaxweynaha Dowladda Somalia iyo Wefdiga uu hogaaminayo ayaa waxay Magaalada Cadaado ay kaga qeybgali doonaan Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Gal Mudug Mudane Axmed Ducallee Gelle Xaaf.

Madaxweynaha Maamulka Gal-Mudug Mudane Axmed Ducalle Gelle Xaaf iyo Masuuliyiin kale oo ku sugan Magaladda Cadaado ayaa Madaxweynaha Somalia halkaasi ku soo dhaweeyay.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa isna gaaray Cadaado, isagoo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb galaya munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Galmudug.

Munaasabada Caleema saarka ayaa xilligan ka socota xarunta Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo ay ku sugan yihiin Madaxda qaar ka mid ah maamul goboleedyada, wakiilada beesha caalamka iyo mas’uuliyiin kale.

Xaflada Caleema saarka ayaa la filayaa in galabta la soo gunaanado, iyadoo madaxda tagay halkaas ay dib ugu laaban doonaan meelihii ay ka yimaadaan.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.