Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taaladda SYL.

Moos Bukeeni May 15, 2017 Comments Off on Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taaladda SYL.
Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taaladda SYL.




Madaxweynaha Dowladda SOmalia Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Ubax Xasuus ah dhigay Taaladda SYL oo kaabiga ku heysa Madaxtooyadda Dalka ee Muqdisho.

Madaxweynaha Dalka Mudane Farmaajo ayaa ka soo lugeeyay Xarunta Madaxtooyadda Somalia waxaana uu ugu dambeyn Tagay Taaladda SYL ee Xasuus u ah Ururkii dhalinyarada Gobanimo Doonka Somaliyeed.

Madaxweynaha Socdaalka dhanka Lugta ah waxaa ku wehlinayay axaa wehliyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Wasiirka Dhalinyarada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Markii uu Ubaxa dhigay Taaladda SYL Madaxweynaha Dowlada Somalia waxaa uu tagay Garoonka Kubadda Cagta Koonis ee Magaaladda Muqdisho halkaasi oo lagu qabtay Dabaal daga 15ka May.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.