Maxkamadda Degmada Burtinle oo Go’aan ka gaadhay Kiiskii Kufsiga ahaa.

Moos Bukeeni May 10, 2017 Comments Off on Maxkamadda Degmada Burtinle oo Go’aan ka gaadhay Kiiskii Kufsiga ahaa.
Maxkamadda Degmada Burtinle oo Go’aan ka gaadhay Kiiskii Kufsiga ahaa.

Maxkamad ku taala Degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal waxay maanta go’aan kama dambeysa ah ay ka gaadhay kiis Kufsi ahaa oo dhawaan halkaasi ka dhacay.

Xarunta Maxkmadda ayaa waxaa la horgeeyay kow iyo toban dhalinyaro ah kuwaasi oo ku eedeysnaa in ay ka dambeeyeen Kufsiga Gabar 13sano jir ah oo dhawaan halkaasi lagu kufsaday.

Xarunta Maxkamadda oo Xukunka uu ka dhacayay Waxaa ku sugnaa Ehalada iyo Wiilsha kiiskaan u dhaxeeyay iyadoo qeybaha kale duwan ee dadweynaha ku dhaqan degmadaasi ay madasha ku sugnaayeen.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan DOwladda Dhexe ayaa qeyb ka ahaa Madasha xukunka Kiiska kufsiga ah uu ka dhacayay iyadoo ugu dambeyn uu go’aan adan ka soo baxay.

Ugu Dambeyn Maxkmadda Degmada Burtinle ayaa sii deyasay Toban ka mid ah dhalinyaraddii lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen kiiska Kufsiga ah ee gabadha yarta ah lagula kacay.

Bashiir Cabdulqaadir Daahir ayaa lagu helay Dambiga ah inuu ka dambeeyay kiiska Kufsiga ah ee gabadha lagula kacay waxaana lagu xukumay shan sano oo xarig ah iyo 44 Ari oo Sako ah.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.