Puntland oo si adag uga digtay Shir ka soconaya Magaalada Nayroobi.

Moos Bukeeni May 17, 2017 Comments Off on Puntland oo si adag uga digtay Shir ka soconaya Magaalada Nayroobi.
Puntland oo si adag uga digtay Shir ka soconaya Magaalada Nayroobi.




War Qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa si adag looga digay shir ka soconaya Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Shirkan ayaa la sheegay in ay halkaasi ku leeyihiin Xildhibaano ka Mid ah Dowladda Somalia iyo qaar ka Mid ah Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Dalka Somalia.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland waxaa lagu sheegay in shirkaasi uu yahay mid la doonayo in Xaqal Daacin loogu sameeyo Xukuumadda Reysalwasare Xasan Cli Kheyre.

Puntland waxay sheegtay in xiligan ay haboon tahay ka hortagga shirarkaasi kuwaasi oo lagu marin habaabinayo Dowladda Somalia.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowlada Somalia ee Madaxweyne Farmaajo oo u muuqata in ay Midnimada Dalka Somalia soo celineyso hadan ay wax laga xumaado tahay in mucaarado ay xiligan soo shaac baxaan.

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.