Puntland oo wada Qorshe lagu kordhinayo Baarlamanka Puntland.

Moos Bukeeni May 14, 2017 Comments Off on Puntland oo wada Qorshe lagu kordhinayo Baarlamanka Puntland.
Puntland oo wada Qorshe lagu kordhinayo Baarlamanka Puntland.




Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa Wada Dadaalo iyo qorsheyaal Dheeri ah oo ku aadan sidii xubno dheeri ah loogu dari lahaa tiradda xildhibaanada Golaha Wakiiladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Todobo xubnood ee dheeri ah lagu dari doonok Tirada xildhibaanadda Baarlamaanka Somalia kuwaasi oo Golaha ka mid noqon doono.

Sababta keentay in Tirada Xildhibaanadda Baarlamaanka lagu kordhiyo Todobo xubnood ayaa timid ka dib markii Odayaasha beelaha aan ku jrin xildhibaanada ka codsadeen in ay xubno ku yeeshaan Baarlamaanka.

Madaxweyne Cabdiweli iyo Gudoomiye Axmed Cali Xaashi ayaa kala Gudoomiyo Cadeymo muujiyay Qaabka ay ugu xusul duubayaan sidii ay beelaha dulman ee ku nool Puntland xubno ugu yeelan lahaayeen Tirada Baarlamaanka.

Marki ay arintaasi soo shaac baxday ka dib waxaa Puntland oo dhan ka jira guux fara badan oo salka ku haya sida ay xiligan puntland u kordhindoonto tirada Xubnaha Baarlamaanka Puntland.

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.