Puntland oo Xukun Dil ah ku Riday Rag horay Qaraxyo loogu Qabtay Boosaaso

Moos Bukeeni May 27, 2017 Comments Off on Puntland oo Xukun Dil ah ku Riday Rag horay Qaraxyo loogu Qabtay Boosaaso
Puntland oo Xukun Dil ah ku Riday Rag horay Qaraxyo loogu Qabtay Boosaaso




Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27-5-2017 ,xukun dil doogasho ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidamada amaanka Boosaaso ku qabteen gaari iyo Qaraxyo ay wateen oo ay qorsheynayeen inay ku qarxiyaan qeybo kamid ah magaalada .

Shantan eedaysane ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in qaraxyada lagu qabtay ay wateen , qorshahooduna ahaa in magaalada Boosaaso ku qarxiyaan, halka Ibraahim Maxamed Canshuur oo eedaysanayaasha kamid ahaa uuba sheegay inay ka tirsan yahiin Al-qaacida .

Magacyada Dhalinayarada Maxkamaddu xukuntay ayaa kala ahaa :-

Cabaas Ibraahim Yare Aadan – ina Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah ku dhashay Afgooye Dil Toogasho

Dhaqane Aadan Cabdi Xassan –Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere Dil toogasho

Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Toogasho






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.