Qarax dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Degmada Wadajir .

Moos Bukeeni May 17, 2017 Comments Off on Qarax dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Degmada Wadajir .
Qarax dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Degmada Wadajir .


Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo saaka ku qarxay Degmada Wada jir ee Gobalka Banadir.

Ciidamada Amniga Dowladda Somalia ayaa ka shakiyay Gaarigan iyadoo ay Ceyrsadeen Laba dhalinyaro ah oo la sheegay in Gaarigaasi saarnaayeen.

Ciidamada ayaa toogtay mid ka mid ah dhalinyaradii waday Gaariga waxyabaha qarxa laga soo buuxiyay iyadoo laba ka mid ah Askarta Amniga Qaranka Somalia ay ku dhinteen Gaariga qarxay.

Muhiimadda ugu weyn ee Ciidank ay u Cayrsanayen Gaarigaas ayaa waxa la sheegay in ay ahayd sidii ay uga hortagi lahaayeen waxyeelada baaxada weyn ee dadka shacabka ah uu u geysan lahaa.

Gudoomiyaha Degmadda Wadajir ee Gobalka Banaadir  Axmed Cabdulle ayaa sheegay in talaabadani ay qeyb  weyn ka tahay dadaalo dheeri ah oo ay ugu jiraan sidii ay waxyeeladda qaraxyada uga hortagi lahaayeen.

Waa gaarigii labaad oo waxyaabaha qarxa ay saarnaayeen oo ay fashliyaan ciidamada ammaanka, todobaadkan gudihiisa, maalin ka hor ayay aheyd markii gaari waxyaabaha qarxa saarnaa oo la dhigay meel u dhow guriga Hooyooyinka uu qarxay, kaasoo aan wax khasaare ah geysan, waxaana ciidamada ay qabteen labo nin oo watay gaarigaas qarxay.

|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.