Qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Moos Bukeeni May 15, 2017 Comments Off on Qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho.




Gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu soo Waramayaa inuu ku Qarxay inta u dhaxeysa Isgoyska Afar irdoodka iyo Guriga Hooyooyinka Magaaladda Muqdisho.

Qarax ayaa ka dhashay ka dib Markii Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay la soo dhigay Isgoyska Afar irdoodka Degmada Xamar Weyne ee gobalka Banaadir.

Saraakiisha Laamaha Amniga Gobalka Banaadir oo ka warhayay Qaraxaasi Gaariga lagu soo Xiray ayaa goobta tagay iyadoo ay halkaasi ka kale eryeen dhammaan dadkii goobta ka agdhawaa si uusan Saameyn ugu yeelan Qaraxaasi.

Dadka ka agdhow goobta uu qaraxaka dhacay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Qaraxa uu saameyn xoog leh u geystay Qeybo ka mid ah Gobaha ka ganacsiga ka agdhawaa goobta Qaraxa ka dhacay.

Saraakiisha Laamaha Amaanka Magaaladda Muqdisho ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan Nooca Qaraxa iyo halka lala damacsanaa in lala beegsado.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.