(Sawiro) Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo gaaray Cadaado.

Moos Bukeeni May 29, 2017 Comments Off on (Sawiro) Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo gaaray Cadaado.
(Sawiro) Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland oo gaaray Cadaado.


Magaaladda Cadaado ee Xarunta Kumeelgaarka ah Maamulka Gal-mudug waxaa ku qul qulaya Wafuud kale duwan oo Maamulada Dalka ka mid ah kuwaasi oo ka qeybgalaya Xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Maamulkaasi Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf..

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno Wasiiro uu hogaaminayo ayaa ka mid ahaa Madaxda Maamulka Puntland ee Gaaray Magaaladda Cadaado halkasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Wafuudo ka socota Maamulkaasi ayaa dhankooda ka qeybgalay Xafladaasi Caleema Saarka Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug.

Madaxweynaha Maamulkaasi Cadaado Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Ku xigeenkiisa Gudoonka Baarlamaanka iyo Masuuliyiin kale ayaa Wafuudo Maamul goboleedyada Ku so dhaweeyaya Magaaladda Cadaado.

Wakiilka Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arimaha Somalia ayaa dhankiisa ka mid ah Masuuliyiinta beesha Caalamka ee Xafladaasi ka qeybgaleysa.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.