Xaruntii Madaxtooyadda Magaalada Cadaado oo lala Wareegay

Moos Bukeeni May 8, 2017 Comments Off on Xaruntii Madaxtooyadda Magaalada Cadaado oo lala Wareegay
Xaruntii Madaxtooyadda Magaalada Cadaado oo lala Wareegay


Koox Maleeshiyo hubeysan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay qabsadeen oo ay la wareegeen gacan ku heynta Xarunta Madaxtooyada Magaalada Cadaado ee Maamulka Gal-Mudug.

Saraakiil hogaamineysa Maleeshiyadda Hubeysan ee la qabsaday Madaxtooyada Magaalada Cadaado ayaa lagu soo waramayaa in ay ciidanka Madasha Qabsaday ka cabanayaan Mushaar la aan heysata mudo dhowr Sanadood ah,

Majiro wax howlo ah oo xiligan ka soconaya Xarunta Madaxtooyadda Magaalada Cadaado iyaddoo ay ciidamada Joojiyeen gebi ahaan howlihii dhaq dhaqaaqa ahaa ee ka soconayay Xaruntaaasi.

Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulka Cadaado ayaan weli wax war ah ka soo saarin ujeedka Maleeshiyadka ula wareegeen gacan ku heynta Madaxtooyadda Magaaladaasi,

Dhawan ayay ahayd Markii Madaxweynaha Mamaulka Gal Mudug Mudane Xaaf lagu Doortay Cadaado iyagoo ay bilow u tahay Caqabadaha ugu horeeya ee uu wajihi doono Arimaha Cabashada Mushaaraadka Ciidamadda.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.