(Dhageyso) Puntland oo War Kulul ka soo Saartay howlgalka ka socda Gal-gala.

Moos Bukeeni June 29, 2017 Comments Off on (Dhageyso) Puntland oo War Kulul ka soo Saartay howlgalka ka socda Gal-gala.
(Dhageyso) Puntland oo War Kulul ka soo Saartay howlgalka ka socda Gal-gala.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Kharjab ayaa ka hadlay halka uu marayo howlgalo ka soconaya Buuraleyda Gal gal ee Gobalka Bari.

Howlgalkan ayaa waxaa uu xiligan si toos ah uga soconaya Degaano dhowr oo Buuraleyda ku yaala gaar ahaan Xarumaha ay Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab iyo Daacish ku leeyihiin Degaanadaasi.

Muhiimada ugu weyn ee howlgalkan laga leeyahay waxay tahay sidii loo soo afjari lahaa dhaq dhaqaaqa iyo saldhigyadda Maleeshiyadda Alshabaab iyo Daacish ee Degaanadaasi.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali oo la hadlay qaar ka mid ah Idacadaha gudaha ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada Difaaca ku howlan yihiin sidii ay talaabo cad uga qaadi lahaayeen Unugyada Alshabaab iyo Daacish ee halkaasi ku sugan.

Sidoo kale Wasiirka Amniga waxaa uu sheegay in DOwladda ay Diyaarisay qorsheyaal cad cad ah oo ku wajahan sidii sharciga u marsiin lahaayeen Maleeshiyadda Kooxda Daacish ee halkaasi ku sugan.

Hadalkan Wasiir ayaa imaanaya iyadoo dhowr jeer oo hore ay dhaceen Weerar iyo Qaraxyo toos ah oo ay Alshabaab iyo Daacish la bartilmaameydsadeen Xarumaha Ciidamada Difaaca Puntland ku leeyihiin Degaanada Buuraleyda ah.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.