Madaxweynaha Cadaado iyo Wefdiga uu hogaaminayo oo Gaaray Cadaado.

Moos Bukeeni June 4, 2017 Comments Off on Madaxweynaha Cadaado iyo Wefdiga uu hogaaminayo oo Gaaray Cadaado.
Madaxweynaha Cadaado iyo Wefdiga uu hogaaminayo oo Gaaray Cadaado.

Wararka ka imaanaya Degmada Caabudwaaq Gobalka Gal-gaduud ee Bartamaha Dalka Somalia ayaa sheegaya in halkaasi uu Maanta gaaray Madaxweynaha Maamulka Gal Mudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Qaar ka Mid ah Xubnaha Maamulka Degmada Cadaado waxaana Masuuliyiinta la socotay Madaxweynaha Maamulka Cadaado ka mid ahaa Madaxeyne ku xigenka Maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey.

Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ayaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada hada la kulansan, iyagoo kala hadlaya arrimaha nabadgelyada iyo sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha ka taagan degmada.

Waxaa uu isku dayayaa sidii odayaasha kaaba qabiilada deegaanka kala hadlo sidii nabadgelyada looga shaqeyn lahaa, isla markaana maamulkiisa doonayo inuu dib u heshiisiin dhex dhigo.

Waa socdaalkii u horeeyay ee Madaxweynaha Galmudug ugu ambabaxo deegaanada maamulkiisa, tan iyo markii dhowaan xilka loo caleema saaray.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.