Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaaladda Muqdisho oo Saaka Xiran.

Moos Bukeeni June 4, 2017 Comments Off on Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaaladda Muqdisho oo Saaka Xiran.
Wadooyinka Muhiimka ah ee Magaaladda Muqdisho oo Saaka Xiran.

Wararka ka imaanaya Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in saaka ciidamadda Dowladda Somalia ay xireen Qaar ka Mid ah Wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaala Magalaada Muqdisho.

Meelaha ugu Muhiimsan oo ay CIidamadu xireen ayaa waxaa ka mid ah Wadooyinka halbowlaha ah ee Magaalada Muqdisho iyagoo xanibay guud ahaan howlihii dhaq dhaqaaqa Gaadiidka iyo Dadweynaha ee Gudaha Muqdishi.

Ujeedka ciidamada ay Talaabadan u qaadeen saaka ayaa waxay tahay sidii ay ku adkeyn lahaayeen Amniga Magaladda Muqdisho madaama uu halkaasi ka dhacayo Banaanbax Madaxweynaha lagu taageerayo.

Dibadbaxan uu hore u shaaciyay Maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxaa Muhiimaddiisa lagu shegay inuu yahay mid lagu muujinayo tagerida Dowladda Madaxweyne Farmaajo Mudada boqolka Maalmood.

Si kastaba ha ahaatee banaan baxan maanta oo Axad ka dhacaya Muqdisho ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ugu ballaarnaa ee ka dhaca Muqdisho, tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo dadweyne fara badan ay ka dhigeen Muqdisho iyo gobolada kale isu soo bax soo dhoweyn ah.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.