Wararkii ugu Dambeeyay xalay ilaa hadda oo Saladda subax la aadayo Weerarkii Hoteel Muqdisho ku yaal

Faarax June 15, 2017 Comments Off on Wararkii ugu Dambeeyay xalay ilaa hadda oo Saladda subax la aadayo Weerarkii Hoteel Muqdisho ku yaal
Wararkii ugu Dambeeyay xalay ilaa hadda oo Saladda subax la aadayo Weerarkii Hoteel Muqdisho ku yaal

Maqaayadda Pizza House oo ay Caawa Gudaha u galeen Maleeshiyaad hubaysan oo Alshabaab ka tirsan ayaa xilligan waxaa ka soconaya Daryanka Rasaas iyo Qaraxyo, waxayna goor dhawayd Saraakiil la hadashay warbaahinta u sheegeen in Dhismaha intiisa badan ay Ciidanka NISA ku jiraan, laakiin qayb yar oo ka mida Dhismaha uu ka dagaalamayo 1 Nin oo ka mida raggii weerarka soo qaaday.

illaa iyo 4 nin ayaa lagu sheegay ragga hubaysan ee Gudaha u galay Maqaayadda, kuwaasoo isticmaalayay Qoryaha Fudud iyo Bam Gacmeedyo. waxayna raggan intooda badan hadda u muuqdaan inay dhinteen. iyadoona goobta laga soo saaray Dhaawacyo iyo dad bad qaba.

inta la hubo 2 Askari oo NISA ka tirsan ayaa ku dhimatay hawlgalka, kuwaas oo ka kala tirsanaa Ciidanka Gaashaan iyo Nabadsugidda Gobalka Banaadir, iyo in ka badan 20 qof oo Shacab oo uu ku jiro Qof Syrian ah oo ka shaqaynayay Maqaayadda. Waxaana burburay Dhismihii quruxda badnaa ee Maqaayadda Pizza House oo ka mid ahayd meelaha Dhalinyaraddu ku caweeyaan.

goor sii horaysay ayeey Ciidanku sheegeen inuu Hawlgalku soo afjarmay, waxaana markaasi gudaha u galay goobta Ciidanka Gaashaan. iyadoona la doonayay in daqiiqado kadib uu gudaha Maqaayadda galo Wasiirka Amniga oo ay wehliyaan Saraakiil Ciidan. hase yeeshee mar qura ayaa Gudaha waxaa ka billowday Qaraxyo iyo Rasaas kale, taasoo sababtay inay gali waayaan Gudaha Maqaayadda Masuuliyiintii doonayay inay halkaasi kula hadlaan Warbaahinta si ay uga warbixiyaan wixii dhacay.

Wali Xaaladdu waxay u muuqataa mid kacsan oo ay suuragal tahay in la isla gaaro Waabariga, Waana wax laga bartay Qaraxyadda iyo Weeraradda ay sameeyaan Alshabaab Habeenkii inaan lagu guulaysan in la soo afjaro Xaaladda oo Mugdi ah awgeed.

Kooxda Alshabaab oo sheegatay weerarkan waxay ku adkaysanayaan inay weerareen Maqaayadda Posh Treat oo ka soo horjeeda Maqaayadda ay hadda ka dhex dagaalamayaan, taasoo u muuqata in Bartilmaameedkoodii uu ka qaldamay.

weerarkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ay Alshabaab sameeyaan tan iyo bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ay Hawlgalo Xasilin ah ka wadeen Caasimadda Ciidamadda isku dhaf ah oo laga kala keenay Talisyadda Ciidanka Soomaaliya.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.