Ciidamada PSF oo qaaday Howlgal ay la bartilmaameydsadeen Maleeshiyadda.

Moos Bukeeni July 8, 2017 Comments Off on Ciidamada PSF oo qaaday Howlgal ay la bartilmaameydsadeen Maleeshiyadda.
Ciidamada PSF oo qaaday Howlgal ay la bartilmaameydsadeen Maleeshiyadda.




Ciidamada PSF ayaa howlgal ay ku ekeysiiyeen Fariisimo ay lahaayeen Maleshiyada Alshabaab waxay ku qaadeen dhowr deegaan oo ku yaala Aaga buuraleyda gal gala ee gobalka Bari.

Ujeedka ugu weyn ee ay ciidanka howlgalka u qaadeen waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay kaga hortagi lahaayee dhagar ay maleegayeen ciidamada Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab.

Goobaha ay weerarka ku qaadeen ciidanka ayaa waxaa ka mid ah degaanada Madarshoon iyo Dindigle oo labaduudu ka mid ah meelaha ay Alshabaab ka soo qaadaan Weerarada ay la bartilmaameydsadaan Ciidamada Puntland.

Saraakiisha ciidamada PSF ee Weerarkan qaaday ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in ay dileen 12 xubnood oo maleeshiyada kooxda Alshabaab ka mid ahaa kuwaasi oo ku sugnaa degaanada uu weerarka ka dhacay.

Howlgalkan ayaa noqonaya kii labaad oo ay maleeshiyadda Kooxda Alshabaab ay qaadaan iyadoo howlgalkan kii ka horeyay lagu dilay xubno ka mid ahaa Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab.

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.