(Dhageyso)-Puntland oo si adag uga hadashay shirkii Xeerka isgaarsinta Somalie ee Muqdisho.

Moos Bukeeni July 9, 2017 Comments Off on (Dhageyso)-Puntland oo si adag uga hadashay shirkii Xeerka isgaarsinta Somalie ee Muqdisho.
(Dhageyso)-Puntland oo si adag uga hadashay shirkii Xeerka isgaarsinta Somalie ee Muqdisho.


Wasiirka ku xigenka Wasaarada Warfaafinta Puntland cabdirisaaq shire ismaaciil sheikh adduun ayaa manta xafiiska warsaaradda ee m,agaalada garowe shir hjaraa’id ugu qabtay bahda warbaahinta waxaana uu ka waramay qodobo uu ku cuskanayo in ay puntland si adag uga hortimid shirkii xeerka lagu dhaqayo isgaarsiinta Somalia ee dhawaan lagu qabtay magaaladda muqdisho.

Shirkaasi oo wefdi ka socday puntland uu ka qeybgalay ayaa hadan wasiir ku xigeenku waxaa uu sheegay in qodobda ka soo baxay shirka xerka isgarsiinta Somalia aan puntland laga tashan gebi ahaanba.

Ugu horeyn wasiirka ayaa ka waramay sabab xiligan keenay waxa uu ku diidan yahay shirkaasi.

Sidoo kale wasiir ku xigheenka warfafinta punt;land wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo in wejiga labaad ee shirka xerka isgaarsiinta Somalia lagu qaban doono magaalada kismaayo ee xarunta ku meelgaarka ah jubbaland………

Ugu dambeyn wasiirka ku xigeenka warfafinta puntland waxaa digniin u diray xubno ka mid ah beesha caalamka kuwaasoo uu sheegay in ay dhaqaale ku bixinayan sidii uu xerkasi ku dhaqan gali lahaa.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.