(Dhageyso) Salaadiinta iyo Odayaasha Beesha Tanade oo Aqbalay in Isimada Puntland oo dhan ka qeybgali Doonaan shir weyne Caalamiga ah oo lagu qaban doono Magaalada Garowe.

Moos Bukeeni July 17, 2017 Comments Off on (Dhageyso) Salaadiinta iyo Odayaasha Beesha Tanade oo Aqbalay in Isimada Puntland oo dhan ka qeybgali Doonaan shir weyne Caalamiga ah oo lagu qaban doono Magaalada Garowe.
(Dhageyso) Salaadiinta iyo Odayaasha Beesha Tanade oo Aqbalay in Isimada Puntland oo dhan ka qeybgali Doonaan shir weyne Caalamiga ah oo lagu qaban doono Magaalada Garowe.


Magaalada Garowe ee Xarunta Dowladda Puntland waxaa Maanta lagu soo gaba gabeeyay shir looga hadlayay xalinta Cabashada Beesha Tanade oo ka mid ah beelaha ku dhaqan Gudaha Puntland.

Shirkan ayaa 14maalmood waxaa uu ka soconayay Magaaladda Garowe iyadoo xubnaha ugu muhiimsan Isimada dhaqanka Puntland ay shirkan goobjoog ka ahaayeen.

Dhanka Beesha Tanade waxaa shirkan u matalayay Suldaanka Guud ee Beeshaasi Suldaan Maxamed Jaamac Shire oo ay wehliynayeen Odayaasha dhaqanka Waxgarada Salaadiinta iyo Duqeyda Beeshaasi.

Muhiimadda Ugu weyn ee shirkan looga hadlayay waxay ahayd sidii loo gorfeyn lahaa in la xaliyo Cabashada Beesha Tanade ee ku aadan habka saami qeybsiga Puntland oo cabasho ay ka taagan tahay.

Dhanka Isimada Puntland waxaa shirkan Fadhiyay Garaad Maxamed Cilmi Shirwac,iyo Suldaan Saciid Maxamed Garaase oo ka Mid ah Isimada ugu waa weyn degaanada Puntland.

Go’aamaddii ugu waa weyn ee shirkan laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in 25ka bishan Garowe lagu qaban doono shir weyn oo ay ka qeybgali doonaan Isimada Puntland.

Dhinacyada shirkan ka hadlay ayaa isimada Puntland ee ku sugan Gudaha Dalka iyo Dibediisa ugu baaqay in ay shirkan yimaadaan si ay joobjoog uga noqdaan sidii loo xalin laha cabashada beesha Tanade.

Tan iyo aas aaskii Puntland 1998 ayaa xiligaas waxaa lagu heshiiyay in sadax bilood gudahooda pUntland ka dhici doonto Doorasho cod iyo qof ah taasi oo aysan ilaa iyo xiligan suura gelin.

Hase ahaatee balan qaadyada aysan waxba ka qabsoomin ee madaxda isaga kale dambeysay kursiga Madaxweynaha Puntland ayaa kentay in beelaha muujiyaan cabashadooda kuraasta baarlamaanka Puntland.

Halkan Hoose ka dhageyso Codadka Odayaasha shirkan ka hadlay.







|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.