(Sawiro)-Ciidamada PSF oo bur buriyay Fariisimo ay lahaayeen Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab.

Moos Bukeeni July 9, 2017 Comments Off on (Sawiro)-Ciidamada PSF oo bur buriyay Fariisimo ay lahaayeen Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab.
(Sawiro)-Ciidamada PSF oo bur buriyay Fariisimo ay lahaayeen Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab.




Ciidanka Xoogga Puntland ee PSF ayaa howlgalo xooggan oo ay sameeyeen ku bur buriyey saldhigyo ururka Al-shabaab ku lahaayeen Deegaanada Madarshoon,Diin-digle,Biyo Madow iyo Mariidle oo dhammaantood ka wada tirsan Buuraha Calmadow.

Saraakiisha Howlgalkan hormuudka u ahaa ayaa xaqiijiyey in 18 Al-shabaab kaga dileen weeraradaa ,ayna jiraan khasaaro naf iyo maal ah oo ay kooxdaas gaarsiiyeen intii ay socdeen howlgaladaan qorshaysan.

Waxaa jira iyana maxaabiis tiradoodu dhantahay saddex oo katirsan Ururka Al-shabaab oo lagu qabtay howlgalada ,waxaana gacanta ku haya ciidanka xoogga Puntland ee loo yaqaan PSF.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.