(Sawiro)_ Wasiirka Cusub ee Dastuurka Puntland oo Maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garowe.

Moos Bukeeni August 9, 2017 Comments Off on (Sawiro)_ Wasiirka Cusub ee Dastuurka Puntland oo Maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garowe.
(Sawiro)_ Wasiirka Cusub ee Dastuurka Puntland oo Maanta lagu soo dhaweeyay Magaaladda Garowe.

Garoonka Diyaradaha Kanooko Magaaladda Garowe ee Xarunta Dowladda Puntland waxaa Maanta lagu soo dhaweeyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dastuurka Arimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda Puntland.

Wasiirka oo ka soo kicitimay Magaaladda Muqdisho waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Qaybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaladda Garowe iyado soo dhaweynta ay ahayd mid aad u heersareysa.

Wasiirka Cusub ee Dastuurka Puntland Cabdifataax Saciid Caynab ayaa ka Mid noqday xubno dhalinyaro ah oo dhawaan ka soo muuqday Xubnihii Golaha Xukuumadda ee dhawaan uu soo Magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Soo dhaweynta Wasiirka oo xoogeeda lagu qabtay Gudaha Garoonka Diyaaradaha waxaa ka dhex muuqanayay qeybaha kale duwan ee Ardeyda Jaamacadaha ku yaala Magaaladda Garowe.

Qaar ka Mid ah Dadkii soo dhaweeyay Wasiirka ayaa waxay sheegeen in ay ku farax san yihiin Imaatinka Wasiirka ee Gudaha Puntland waxayna sheegeen in xiliga dhalinyarada la marayo waqtigan.

Xubnaha sida gaarka ah uso dhaweeyay Wasiirka waxaa ka Mid ah Maxamuud Saciid Cali oo ah Gudoomiyaha Gobalka Gardafuu ee Puntland,oo so dhaweyntan si weyn u qaban qaabinayay.

Wasiirka Dastuurka Arimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda Puntland Mudane Cabdifataax Saciid Caynab oo soo dhaweynta ka dib la hadlay warbaahinta waxaa uu sheegay inuu ki farax san yahay XIlka cusub ee Madaxweynaha uu usoo magacaabay islamarkaan uu aqbalay.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.