Akhriso Doodda Baarlamaanka iyo soojeedinta Xildhibaanada qaar ee Arrinta Qalbi Dhagax.

Faarax September 13, 2017 Comments Off on Akhriso Doodda Baarlamaanka iyo soojeedinta Xildhibaanada qaar ee Arrinta Qalbi Dhagax.
Akhriso Doodda Baarlamaanka iyo soojeedinta Xildhibaanada qaar ee Arrinta Qalbi Dhagax.

Xildhibanada Barlamanka Soomaaliya ayaa ka dooday Arrinta Qalbi Dhagax waxana xildhibanada badankood ay tilmaameen in talabadaasi ay qaaday Dowladda ay ahayd mid ka baxsan sharciga dalka u yaala iyo Xuquuqda Muwadinka.

hadalada Xildhibanada waxaa kamid ahaa:

*-Xildhibaan Mahad Salad: Wuxu golaha shacbka u sheegay in heshiisyada ay xukuumadda Kheyre Ku mar-marsiyooneyso ay yihiin sharci- darro aan lagu gelin magaca dowladda Soomaaliya.

*-Xildhibaan Xuseen Carab Ciise: wuxu soo jeediyay in xukuumadda Kheyre la aamino, arrinta Qalbi-dhagaxna lagu wareejiyo guddiga Amniga ee golaha.

*-Xildhibaan Cilmi Maxamed Nuur: Wuxu dalbaday in la keeno sharciga mujrim ama dambiile looga dhigay Qalbi-dhagax

*-Xildhibaan Khadiijo Diiriye: waxay tiri Heshiisyadii horay loo galay xukuumadda waxaa ay ku sameyneysaa dib-u-eegis, Golaha shacabkana xaq ayuu u leeyahay in uu sidoo kale dib-u-eegis ku sameeyo.

*-Xildhibaan Maryan Carif: waxay sheegtay in dowladda ay mas’uul ka tahay Amniga iyo siyaasadda dalka iyada oo intaasi raacisay in wixii dhacay ay qalad ahaayeen balse aan dowladda loo dumin Karin

*-Xildhibaan Cabdi Cali Xasan: Waxaa uu xildhibaanada weydiiyay sidee arrinta qalbi-dhagax looga doodi karaa iyada oo aan laheyn nuqulka heshiisyadii la galay

*-Xildhibaan Ibrahim Yarow: Waxaa uu sheegay in ay tahay in Amniga iyo siyaasadda dalka looga dambeeyo xukuumadda, shacabkana aaney arrintaasi qalad ka fahmin

*-Xildhibaan Cabdiqadir Baqdadi: Wuxuu xukuumadda Ku dhaliilay arrinta Qalbi-dhagax isaga oo intaa raaciyay in qadiyadda meesha ay ka istaagtay xukuumadda ay qalad aheyd.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.