Puntland oo tallaabo ka qaaday wasiirkii taageeray dhiibista Qalbi-Dhagax

Faarax September 13, 2017 Comments Off on Puntland oo tallaabo ka qaaday wasiirkii taageeray dhiibista Qalbi-Dhagax
Puntland oo tallaabo ka qaaday wasiirkii taageeray dhiibista Qalbi-Dhagax




Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xilkii Looga qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurhan,

Wasiir Bashir ayaa  waraysi uu siiyay Idaacada VOA laaanta Soomaaliga ku taageray talabadii Dowladda federaalku  Ethiopia ugu gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jamhadda ONLF.

Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland  ayaa aaminsan in Wasiir Gurhan uu ka hadlay arrin xasaasi ah, taasi oo dowladda Puntland ayan qayb ku lahayn, shaqona ayan ku lahayn qabashadisii iyo dhiibitiisii Midna, arrintaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn uga horyimaadeen in Qalb-dhagax loo gacan galiyo dowladda Ethiopia.

Dad badan oo reer PL ah ayaa aminsan in xil ka qaadista Bashiir ay tahay ” Bashiir Tag Eylna Reeb” taaso ay ula jeedan in uu mugdi gelin karo xiriirka Puntland iyo Itoobiya oo aad u wanagsana Bashiirna uu taageray talabadii Dowladda Federalka ee rabitaankii Itoobiya.

Hoos ka Dhagayso Waraysigii uu siiyay VOA ee uu ku wayay Xilkiisa Wasiir Bashiir


Dikreetadii Cameey Hoos ka akhriso ee xil ka qadista

 






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.