Madaxda Soomaalida ayaa Ka Tacsiyeeyay Geerida ku timid Cawad Axmed Casharo

Somalia October 30, 2017 Comments Off on Madaxda Soomaalida ayaa Ka Tacsiyeeyay Geerida ku timid Cawad Axmed Casharo
Madaxda Soomaalida ayaa Ka Tacsiyeeyay Geerida ku timid Cawad Axmed Casharo

Madaxweynaha  dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u naxariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adeegay shacabkiisa.”

Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Barlamaankii dowladdii kumeel gaarka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

“Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikhda Soomaalida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaamay baarista iyo qorista taariikhdeenna soo jireenka ah.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas yaa isagoo ku hadlaya magaciisa, dhammaan golayaasha dowladda iyo shacabka Puntland wuxuu tacsi u diray dhammaan qoyska iyo eheladii allah u naxariistee Marxuuk Cawad Axmed Casharo, wuxuuna ilaahay uga beryay inuu ka waraabiyo jannadii fardawsa.

Cawad Axmed Casharo wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, wuxuuna ka soo qaybtay xilal kala duwan, waxaana uu noqday wasiirkii warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland, waxaa kaloo uu xildhibaan ka noqday barlamaanka federaalka Soomaaliyeed.






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.