Sawiro: Shirkii Kaluumaysiga Soomaaliya ee Garoowe lagu qabtay oo laga soo saaray talabooyin lagu hormarin karo

Faarax October 26, 2017 Comments Off on Sawiro: Shirkii Kaluumaysiga Soomaaliya ee Garoowe lagu qabtay oo laga soo saaray talabooyin lagu hormarin karo
Sawiro: Shirkii Kaluumaysiga Soomaaliya ee Garoowe lagu qabtay oo laga soo saaray talabooyin lagu hormarin karo

waxaa garoowe ku soo dhamaaday Shir seddex cisho socday oo looga hadlayay kaluumaysiga soomaaliya kaaso ay ka qayb galeen boqolal dadweyne oo ka kala yimid dalka gudahiisa iyo dibadiisa iyo sidoo kle Khuburo ku xeel dheer kheyraadka Badda.

Shirkas ayaa laga soo saaray gebagebadii Warmurtiyeed koobaya arrimaha loo baahanyahay in la qaado.

 

WAR MURTIYEEDKA MADASHA KALUUMAYSATA SOOMAALIYEED

Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kharaadaka Badda ee Puntland iyo hayadaha kala ha Secure Fishers iyo Shuraako  oo katirsan barnaamijka One Earth Future waxay isla garteen mustaqbalka uu leeyahay kaluumaysigu si kor ugu qaado nolasha dadka , una dhiso dhaqaalaha horumarsan, una dhiiri galiyo  amniga dadka xeebaha dagan Soomaaliya oo dhan. Kaluumaysigu wuxuu abuuraa furdase shaqo iyo dakhli waana  matoorka kor u qaada dhaqaalaha Soomaaliya, laakiin wuxuu noqday mid aan horumar samayn marka loo eego wax soosaarka kale ee dalka.

Madsaha Kaluumaysiaga Soomaaliya waxay isla garteed mas’uuliydda  in la horumariyo Kaluumaysiga Soomaaliya in ay tahay arin ka wada dhaxaysa  dhamaan Wasaaradaha Kaluumaysiga ee Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo faaiidada laga helayo xiriirka kakala  dhexeeyay beesha caalamka  iyo hayadaha aan dawliga ahayn (NGO’s).

Shirka Madasha kaluumaysigu wuxuu u dhacay si ay ku jirto xamaas furfurnaan ah iyo in laga midaysanaa sidii loo xoojin lahaa isku xirnaanta  Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo beesha caalamka iyo iyo hayadaha aan dawliga ahayn(NGO’s).

Madashaani waxay iftiimisay fursadaha looga adkaan lahaa caqabadaha hortaagan kaluumaysiga Soomaaliya.

Shirka Madasha Kaluumaysiga Soomaaliaya oo ka dhacay Garoowe,Puntland kusoo gabagaboobay   iskuna raacay arimaha soo socda:

1-kaluunka sharci darada ahi wuxuu culays saaray kaluumaystada Soomaaliyeed, kaasoo oo ku hayo dhib badan joogtaynta iyo faa’iido mustaqbal dheera ah ee kaluumaysiga Soomaaliya. Wuxuu kaloo kordhiyay nabad galyo xumada badda taasoo dhaawacaysa dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Sidaas daraadeed waxaa la isku raacay in la cirib tiro Kaluumaysiga sharci darada ah.

2- Biyaha Soomaaliya waxay qani ku yihiin kahraadka Kaluunka ee guur guura, ayna ka mid  yihiin Tuunada, taasoo ay aad u danaynayaan kaluumaystada Ajaanibta ah. Sidaas daraadeed Soomaaliya ma lahan nidaam ay  ku siiyaan shati maraakiibtaas, kamana faa’iidaystaan dakhliga  kasoo gali lahaa shatiyadaas si loogu horumariyo  arimaha kaluumaysiga. Sidaas daraadeed waxaa la isku raacay in la bixo  shatiyada Badda Fog (Offshore Licence)  , si ay uga faaiidaytaan dadka Soomaaliyeed.

3- Wasaarado badan oo ay ka mid yihiin kuwa kaluumaysiga ee heer Fedreraal iyo Dawlad Gobaleed ba malahayn xiriir joogto ah oo lagu horumariyo  Kaluumaysiga Soomaaliya. Waxaa la isku raacay in ay sadexdii biloodba mar kulmaan si loo horumariyo Kaluumaysiga.

4-Madasha Kaluumsigu waxay aqoonsatay in ay aqoonta kharaadka badda ay muhiim u tahay aas aaska  horumarinta  kaluumaysiga Soomaalia. Maadaama Soomaaliya ay leedahay Xeebta ugu dheer Africa aysana lahayn awood ay ku tababarto kaluumaysatada. Waxaa la isku raaacyain la dhiso aqoonta cilmiga Badaha iyo Kaluumaysiga.

5- Kaluumaysiga Soomaaliya wuxuu u baahanyahay  mashaariic la taaban karo oo le natiijo cad              oo si dhakhso ah u caawin karta kaluumaystada. Waxaa la isku raacay in mashaariicda mustaqbalku noqdaan kuwo horumarineed.

5- Hay’adduhu waa furaha kaluumaysiga, sidas daraadeed waxay u baahanyihiin  in si cad loo hir galiyo siyaasdaha kaluumaysiga , lalana kaashashado daneeyayaasha kaluumaysiga. Waxaa kaloo loo baahanyahay Cawimaad caalami ah si loo horumariyo awooda hayadahaha Kaluumaysiga Soomaaliya. Waxaa la isku raacay in kor loo qaado awooda Haya’adaha Kaluumaysiga Soomaaliya.

6- Isku duwidda daneeyayaasha ariamaha kaluumaysigu aad ayay muiiim u tahay. Madasha Kaluumaysta Soomaaliyeed  waxay dhiiri galinaysaa isku dubaridkaas iyo in la dhiso iskaashi lataaban karo.  Waxaa laisku raacay in madashaan la qabto sanadkiiba hal mar.

 

Garoowe, Puntland

26/10/2017






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.