Dowlada Ugand ayaa sheegtay in 5000 oo askar ah u soo dirayso Soomaaliya si ay ugu …..

Somalia November 10, 2017 Comments Off on Dowlada Ugand ayaa sheegtay in 5000 oo askar ah u soo dirayso Soomaaliya si ay ugu …..
Dowlada Ugand ayaa sheegtay in 5000 oo askar ah u soo dirayso Soomaaliya si ay ugu …..

Iyada oo la qorsheynayo in hawgalka AMISOM ee Soomaaliya ee soo socdey 10-kii sano ee u danbeysey la soo afjaro 2018, ayaa afhayeen u hadley ciidanka Ugandha sheegay in ay diyaariyeen 5 000 oo askeri oo hor leh oo ka qaybqaata hawlgalka cusub ee al-Shabaab looga saarayo dhulka ay ku sugan yihiin.

Richard Karemire oo ah afhayeenka gaashaandhigga Ugandha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua in Ugandha diyaarisay 5000 oo askeri laakiin ay u baahan yihin tageerada beesha caalamka sida dhaqaalaha ciidankan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho uu ku marey dalalka Ugandha, Itoobiya iyo Jabuuti weydiistey taageero milteri, si loo cirirb tiro al-Shabaab oo uu sheegay in ay ka adkaan waayeen. Itoobiya ayaa kamid ah dalalka sida degdega ah uga jawaabey waxaana la sheegayaa in xuduudka ay ka soo talaabeen kumaankun askeri.

Qaraarkii u danbeeyey ee golaha amaanku ka gaaro AMISOm sanadkan ayaa ahaa in tiradooda la yareeyo lana gaarsiiyo sanadkan 18 000 oo askeri, si loogu diyaariyo dhamaystirka hawlgalka AMISOM ee sanadka 2018






|| Soo Booqo Mar Walba Raad Raac News nagu Darso Face Book adigoo dhahaya Like oo hel Saacad kasta Warar iyo Warbixino Xiisa Leh ||

-- Nagala soo xariir : raadraacnews@gmail.com --

Comments are closed.